Isco oo go’aan cad mustaqbalkiisa ka gaarray!

Xiddiga khadka dhaxe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Isco ayaa sheegay inuu sii joogi doono kooxdiisa.

Kubbad sameeyaha reer Spain ayaa waxa uu ahaa mid maalmihii ugu dambeeyay si aad ah loola xiriiriyay kooxaha ka dhisan Ingiriiska iyo Juventus inuu u dhaqaaqi doono.

Hase ahaatee, waxa uu gaashaanka u daruuray dhammaan sheekooyinka sheegaya in uu kooxdan ka tagi doono, isagoo taas beddelkeeda caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu booskiisa u dagaallamo.

26-sano jirkan ayaa hoosta ka xarriiqay inuu aad ugu faraxsanyahay u ciyaarista kooxda Real Madrid.

“Aniga kama fikirayo ka tegista kooxda Real Madrid, suuqa January, maadaama aan ku faraxsanahay halkan” ayuu Isco u sheegay Deportes Cuatro.

“Hadafkeygu waa inaan sii wadaa ku guuleysiga koobabka badan ee aan Real Madrid la qaybsanayo.

“Waxaan u dagaallami doonaa booskeyga” ayuu yiri xiddiggii hore ee Malaga.

Arrintan ayaa noqoneysa mid niyad jebisa kooxaha Manchester City, Chelsea iyo Juventus, kuwaasoo si aad ah loola xiriiriyay ciyaaryahankan.