Ingiriiska oo soo saaray cabsi laga qabo weeraro Argagixiso iney ka dhacaan Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa muwaaddiniinteeda uga digtay in ay u safraan ama ku dhex safraan Soomaaliya.

Warbixin ka soo baxday Xafiiska arrimaha dibadda Dowladda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in muwaaddiniinta shaqada muhiimka ah ka haya Soomaaliya ay kaliya tagi karaan Hargeysa iyo Berbera inta kalena ay dalka isaga baxaan.

Warbixinta ayaa intaas lagu sii daray in xitaa kuwa Hargeysa iyo Berbera tagaya ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan socdaalkooduna noqdo mid xaddidan.

Xafiisku waxaa uu sheegay in weerarro Argagixiso ay u badan tahay in maalmahan ay ka dhacaan Soomaaliya,sidoo kalena heerka afduubka uu yahay mid aad u sarreeya.

Waxaa uu Ingiriisku intaas ku daray in shaqaalaha ajannabiga ah ee la shaqeeya Hay’adaha ajannabiga ah ee gudaha Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland ay la kulmayaan hanjabaadyo afduub iyo dil isugu jira.

Muwaaddiniinta Ingiriiska ah ayaa la faray in ay aad ula socdaan warbaahinta gudaha iyo dibadda ee wax ka qora ama ka tebiya dhinaca amaanka.

Digniinta ka soo baxday xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho aysan wax caawinaad ah siin karin cidkasta oo mushkilad la kulanta sida afduub,guur qasab ah, xarig iyo wixii la mid ah,qofkii intaas la kulmana ay muhiim tahay in uu la xiriiro Xafiiska Guddiga sare ee UK oo ku yaalla Nairobi.

Goobaha la beegsanayo ayey warbixinta ku sheegtay meelaha ay dadka ku badanyihiin,gaar ahaan goobaha ay tagaan saraakiisha Dowladda,Ajaanibta, iyo meelaha kale ee ay munaasibadaha ka jiraan sida Hoteellada.