Muqdisho-RisaalaFM- Hay’adda Insania Foundation ayaa maanta gargaar caafimaad ka sameysay degaanka Garasbaaley oo ka mid ah degaanada ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin barakacayaasha ugu badan.
Hay’adda ayaa gargaar caafimaad u sameysay dad ka badan 250 qof oo isugu jira haween, caruur iyo dad da’ah, waxaana dadkan ay ahaayeen kuwo aad ula xanuunsanayay xanuunada haya.
Hay’adda ayaa maanta baaritaan caafimaad u sameysay dadkan, oo hal hal u weydisay qof walba halka sida gaarka ah uu uga xanuunsanayo, waxayna ku balamisay Isbitaalka Somali Syrian oo xiriir ay la leedahay Hay’adda, si ay u soo qaataan dawooyinkooda.
Guddoomiyaha Hay’adda Insania Foundation C/casiis Caagane oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay ujeedka ay u tageen Garasbaaley in ay aheyd in bulshada Soomaaliyeed ay tusaan dadkan dhibaateysan, wuxuuna tilmaamay inuu aad u jeclaan lahaa in dowladda federaalka ay gargaar la soo gaarto dadkan.
Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley Mudane C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa dhankiisa si weyn ugu mahadceliyay Hay’adda Insania Foundation, wuxuuna sheegay dadkan oo ka yimid Shabeelaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Baay in aysan waligood helin gurmad caafimaad oo midkan la mid ah.
Wuxuu sheegay degaanka in ay ka jirto dhibaato aad u weyn, isaga oo sheegay ka maamul ahaan in ay mar walba saacidaan dadka danta yare e ku nool degaanka, wuxuuna Dowladda Federaalka, Maamulka gobolka Banaadir ka dalbaday in ay gargaarla soo gaaraan dadkan masaakiinta ah.
“Dad is xilqaamay inay u soo gurmadaan dadkan, waxaa ka habooneyd dowladda in ay u timaado, dadkan cidna uma maqna ceelna uma qodna, annaga aan isku tashano aan wax u qabano, dadkan duruufo ayaa halkan keenay, maamulka gobolka ayay marti u yihiin, waxaa looga baahan yahay in wax u qabtaan, dadka waxaa ku jira qaarkood oo aan heysan afur, saxuur iskaba daayee, waxaan leenahay cidkasta oo dadkan u gurman karta ha u gurmato.” Ayuu yiri Guddoomiye Garyare.
Maamulka degaanka Garasbaaley ayaa dadaalo ku bixinaya sidii ay gurmadyo kala duwan u heli lahaayeen Malaayiinta qofee ku nool degaankiisa, waxaana degaanka uu yahay mid u baahan gargaar caalami ah, si loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan ee halkaasi ku nool.




