Imaaraadka oo shaaciyay cidda uu kala hadlay heshiiskii Dekeda Berbera

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka sii xumaaday ee kala dhaxeeya Dowladda Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu joojiyay barnaamijyadii uu ka waday Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee isu tagga Iimaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Qarqaash, oo u warramay laanta afka Carabiga ee BBC ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya, isaga oo soo hadal qaaday heshiiska Berbera ayuu tilmaamay in uu kala hadlay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Arrinta Dekedda Berbera waxay ku dhacday isfahan cad oo aan la yeelannay Dowladihii hore ee Soomaaliya, waxayna ahaayeen kuwo cadcad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xiriirna lama lihin, waxaan kaalin fududayn ah ku lahayn in aan kulamo u qabanno madaxda Soomaalida, waxay ku kulmeen Dubai, Kaalinteennu waxay ku koobnayd fududayn, is fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsannahay siyaasadda Soomaali mid ah inaysan anaga reebaynin dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka samayno”. Ayuu yiri Qarqaash.

Anwar Maxamed Qarqaash wuxuu ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay arrinka khilaafka ka gasho wadahadal furan oo aan lagu qaban qol xiran.

“Haddii qof ku kaalmaynayey 20 -25 sano ay wax idin dhex maraan waa in aad kala hadashaa, ma aha in aad qabsato 47 Askari oo iimaaraadka u dhashay oo ciidamada tababaraya, oo ku dhawaad 10 Malyan oo Dollar oo ah wixii ku baxayey ciidan badan oo Soomaali ah siday, oo go’aankaas inta aad qaadatay aad tiraahdo arrinta waxaan ku xallinaynaa qol xiran, maya, maya, sidaasi hawsha kuma dhamaanayso, Waa in arrintu cadaataa” Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta.

Xiriirka labada dhinac ayaa sii xumaanayey tan iyo markii todobaadkii hore ay Dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag 10 Malyan oo Dollar ku dhow oo lagu qabtay garoonka dayaaradaha ee Muqdisho.

Maalmo kahor hadal uu soo saaray Iimaaraadka Carabta ayuu ku sheegay inuu joojiyey hawlihii uu ka waday Soomaaliya, waxaana billowday dhaqdhaqaaqyo uu qalab kaga qaadanayo xerada tababarka Millitariga ee Gen. Gordan.