UAE-RisaalaFM- Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday in ay daweyn doonaan 100 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Wakaaladda Wararka ee Imaaraadka (WAM) ayaa warisay in Imaaraadka Carabta uu gargaar caafimaad u soo dirayo Isbitaalada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Muqdisho, si loogu daweeyo dadkii musiibada ay qabsatay.
Sidoo kale Wakaaladda (WAM) ayaa sheegtay in Hay’adda Bisha Cas qeybta Imaaraadka ay bilowday in ay qorsheyso in si deg deg ah wax loogu qabto dadka dhaawaca ah ee loo soo qaaday dalalka deriska ah sida Kenya, kuwaasi oo u baahan gargaar dhab ah.
Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegay in uu bixin doono daryeel dhamaystiran 300 caruur oo agoon ah oo qoysaskooda ku waayay Qaraxyo Ismiidaamin ah, mudo Lix bilood ku siman.
Tallaabadani waa muujin dhab ah oo ah muhiimada ay u leedahay dadka reer Imaaraadka xaalada hada jirta ee Soomaalida, iyo dadaalkooda ah in ay in ay ka baxaan colaadaha daashaday.” (WAM) ayaa sidaasi tiri.
Qaraxaan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya, ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay, balse Dowladda Soomaaliya iyo xeeldheerayaasha arrimaha Argagixisada ayaa rumeysan Qaraxii Zoobe in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.



