Muqdisho-RisaalaFM- Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dhar ciid u iibisay 20 caruur oo isugu jira agoon iyo kuwa danyar ah, waxaana dharkooda la gudoonsiiyay aroortii hore ee saakay.
Waalidiinta dhalay caruurtan ayaa Idaacadda Risaala uga mahaceliyay farxada ay siisay caruurtooda, iyada oo la lacagta dharka loogu iibiyay ubadkan lagu uruuriyay barnaamijka afuri oo hel laba ajar, oo ay ka qeyb qaateen dhageysatayaasha Idaacadda.
Waxaa jirta caruur yar yar oo aanan awoodin in magaalada loo soo wado, balse waxaa dharkooda ciida loogu geeyay guryahooda, si ay qeyb uga noqdaan caruurta farxada ciida ka qeyb qaadaneysa.
Agaasimaha Idaacadda Risaala Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa maanta bixinta dharaakaasi kadib soo xiray Barnaamijka Afuri oo hel laba ajar, wuxuuna umahadceliyay dhammaan dhageystayaasha ka qeyb qaatay barnaamijkan.
“Waan ku faraxsanahay maanta oo ciid ah inaan soo gaba gabeyno Barnaamijkii Afuri oo hel laba ajar oo qeybtiisa dambe aan ku ciidsiineynay, oo aan ugu magac darnay katir ilinta caruurta agoonta ah, maalmahan dambe ayaan wadnay barnaamijkan, caruurta iyaga ayaa dooqanayay dharka.” Ayuu yiri Agaasimaha Idaacadda Risaala Ustaad Maxamed C/wahaab.
Idaacadda Risaala ayaa Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay dhar ciid u iibisay ku dhawaad 40 caruur ah oo aan meel ku ogeyn dharkooda ciida, iyaga oo aad ugu farxay abaalmarinada ciida.




