Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa bilaabay qaybinta bariis , digir iyo badar ku dhawaad 60,000 oo qof ay saameeyeen abaaraha ee waqooyiga Soomaaliya .
Hoos u dhaca roobabka sanadkaan iyo soo daahitaanka ayaa sababay in ay sii xumaato xaalada guud ee Soomaaliya Gaar ahaan waqooyiga Soomaaliya,inkastoo ay jiraan roobab aan wada gaarin waqooyiga oo ka da’ay qeybo ka mid ah Somaliland.
madaxa ICRC , Jordi Raich Curco ayaa sheegay”waxaan qebinay oo aan quudinay 60,000 qof oo Soomaaliyeed kuwasoo badankood ku sugan waqooyiga Soomaaliya,laakiin waxaa nasiib daro ah in ay wali baahidu taagan islaamarkaana loo baahanyahay in wax laga qabto ayuu yiri madaxa ICRC Jordi Raich Curco.
Sidoo kale waxaa la sheegay in bariis iyo digir laga qeybiyay degaano hoos yimaada gobolada Bari,Sanaag,Sool,inkastoo la sheegay in aysan daboolikarin gargaarka ay u baahayihiin dadka ay abaaruhu saameyeen ee ku sugan Soomaaliya.
Lakiin ICRC ayaa sheegay in ay suurgal tahay in roobab daadad wata la helo inta lagu gudajiro bilaha April iyo June .
Gudiga abaaraha Soomaaliya iyo deeqbixiyaasha caalaamka ayaa wada dadaal xoogan oo lagu gargaaraayo dadka dhiban.


