Ibrahimovic oo go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa

Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay in uu hore u dhigay meel go’aan ku saabsan mustaqbalkiisa, laakiin uu diiday inuu ka hadlo wararka la xiriirinaya inuu u dhaqaaqo Manchester United.

Ciyaaryahanka reer Sweden kaasoo beeca xorta ah lagu helo karo ka dib markii heshiiska uu kula jiray Paris Saint-Germain dhacay ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhow yahay inuu u dhaqaaqo Old Trafford, iyadoo United diyaar u tahay in heshiiskiisa wax walba ku bixiyaan.

Ibra ayaa sheegay in horaantii bishan uu ogyahay kooxda uu u ciyaari doono, laakiinse wuu diiday inuu caddeeyo sida xaalku noqon doono xilli ciyaareedka soo socda.

“Mustaqbalka waxaa uu yahay mid mar hore aan qoraal ahaan u diyaariyay,” Ibra ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Sweden,

“Ma ahan muhiimin aan heshiis saxiixo ka hor Euro. Waan ku riyaaqayaa waqti wanaagsan  aad ayaan u faraxsanahay ayuu yiri.