Daawo:-Hal sano ka dib weerarkii Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar (Warbixin)

Maanta oo kale 24-kii Bishii July ee sanadkii 2019 xilli galab ah ayaa qarax la sheegay in uu ahaa ismiidaamin waxaa uu ka dhex-dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir,waxaana qaraxaasi ku geeriyooday mas’uuliyiin.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa socday kulan uu shir guddoominayay Guddoomiyihii G/Banaadir ahaana duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,waxaana dhaawac culus oo qaraxaasi kasoo gaaray Eng Yarisoow uu ugu geeriyooday dalka Qatar 1-dii Bishii Agoosto.

Dadka qaraxaasi ku geeriyooday ayaa waxaa kamid ahaa, Guddoomiyihii degmada C/Casiis Sabaax C/laahi Asad, guddoomiyahii degmada Waaberi, Mahad Cilmi, guddoomiyihii degmada Shangaani, Sahra-zad Sheekh Maxamed, Agaasimihii nadaafadda C/fitaax Cumar Xalane, agaasimihii shaqaalaha gobolka Banaadir, C/laahi Dheere, la taliye dhanka sharciga ahaa Xasan Sabriye.

Halkan Ka Daawo Warbixinta iyo Wariye Maxamed Abuukar Dabaashe.