Howlgallo laga sameeyay Wadada Buundooyinka

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya caawa wadada xiriirisa Labada Buundo ee Degmooyinka Waaberi iyo Xamar jajab ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan AMISOM oo ay wehliyaan kuwa Dowladda ay Howlgallo ka sameeyeen Wadadaasi.

Howlgaladan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay Dhalinyaro fara badan sida Idaacadda Risaala ay u sheegeen Dadka Deegaanka.

Howlgaladan ayaa qaatay saacado kooban waxaana ilaa iyo hada aan la ogeyn ujeedka ugu weyn ee Howlgaladan, inkastoo saraakiisha qaar ee ciidanka ay Risaala u sheegeen in Howlgaladan ay yihiin kuwo amniga lagu xaqiijinayo.

Dadka Howlgaladan lagu soo qab qabtay ayaa waxaa ay saraakiisha ciidanka ay sheegeen in baaritaano lagu sameyn doono cidii dambi lagu waayo la sii deyn doono halka kuwii dambi lagu helana sharciga la marsiin doono.