Howlgallo lagu baadigoobayo cidii ka dambeysay dilkii loo geystay Agaasimihii Madaxtooyada Magaalada Boosaaso ayaa waxaa magaaladaasi ka wadda ciidanka ammaanka maamulka Puntland.
Ciidamada ayaa doonaya in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii dambeeyay dilkaasi.
Xaafado ka mid ah Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka socda Baaritaano sida ay Risaala u sheegeen in dadka kunool Magaalada Boosaaso.
Magaalada Boosaaso ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayay dilalka qorshaysan ee loo geysanaya Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland.
Todobaadkii Hore ayay aheyd Markii Boosaaso lagu dilay Taliye kuxigeenkii Sadexaad ee ciidanka Booliska Puntland.


