Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa saakay howlgallo ka wadda Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Howlgaladaan ayaa ah kuwo lagu xaqiijinaayo Ammaanka Magaalada Baydhabo.
Ciidamada ayaa gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale dadka soo galaya Magaalada Baaris gooni ah ku sameynaya.
Magaalada Baydhabo ayaa shalay galab waxaa ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah.
Qaraxaasi ayaa waxaa fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasi oo beegsaday dad ku sugnaa Maqaaxida Barwaaqo.
Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelay ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen 2 qof sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Saddex qof oo Shacab ah.


