Kooxda Real Madrid sabtiga xiliga qadada (2:00 duhurnimo xiliga geeska Afrika) waxay garoonkeeda Bernabue kula cayaari doontaa naadiga Levante cayaar ka tirsan La Ligaha Spain.
Kulankaan wuxuu ahmiyad gaar ah u lahaan doonaa Toni Kroos oo isku diyaaranayo inuu kulankiisii 100-aad xirto maaliyada kooxda boqorada ah ee La Ligaha Spain ah.
Kroos 99-kulan ayuu La Ligaha kasoo muuqday ilaa haatan hadii uu sabtiga cayaaro wuxuu noqon doonaa cayaaryahanka 4-aad ee Jarmal ah kaasi oo 100-kulan horyaalka Spain cayaaro waxaana darajadaas kaga horeeyeen Uli Stielike, Mesut Ozil iyo Sami Khedira oo dhamaantooda Real Madrid usoo cayaareen.
Kroos 99-kulan uu La Ligaha cayaaray 73-kulan oo ka mid ah wuu guuleestay, sidoo kalena 13-kulan bar bar dhac ayuu galay halka 12-kulan laga badiyay waxaa intaas u dheer inuu 7-gool kulamadaas ku dhaliyay.
Kroos 99-ka cayaar La Ligaha uu saftay 98-kulan oo ka mid ah waa lagu soo bilaabay sidoo kalena 78-kulan oo ka mid ah wuu dhameestay sidaasna wuxuu ku yahay cayaaryahanka labaad ee Real Madrid ugu adeegsashada badan tahay La Ligaha kadib Cristiano Ronaldo.
Sida guud Toni Kroos wuxuu Real Madrid u cayaaray 152-kulan dhamaan tartamada kala duwan, 99-kulan waa Liga, 7-kulan waa Copa del Rey, 36-kulan Champions League, 4-kulan Spanish Super Cup, 2-kulan UEFA Super Cup iyo 4-kulan oo uu cayaaray FIFA Club World Cup.



