Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen dadka degaanka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baadigoobaya dagaalyahanada Al-Shabaab ee lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye.
Al-Shabaab ayaa Qarax khasaare geystay ku qaaday degmada Afgooye, gaar ahaan xarun Dowladda Imaaraadka ay ciidamo ku tababarto.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka degmada Afgooye , madaam Al-Shabaab ay dhowr jeer ay kusoo qaadeen weeraro geystay khasaare kala geddisan.


