Sh/Dhexe-RisaalaFM- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta Howlgal ka sameeyeen wadada xiriirisa degmada Warshiiq iyo Raage Ceelle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkan ayaa Ciidamada waxa ay kaga hortagayeen kooxo burcad ah oo dhibaatooyin u geysanayay dadka shacabka ah ee isticmaala wadadaasi, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.
Sarkaalka Dowladda Soomaaliya u qaabilsan aagaasi Cali Maxamed Kuusow oo la hadlay Risaala ayaa sheegay howlgalkaasi in ay ku dhaawaceen mid ka mid kooxdii burcada aheyd ee dhaca geysan jirtay.
“Ciidamada Dowladda saakay howlgal ayay sameeyeen, howlgalkaasi waxaan ku dhaawacnay nin ka mid ah burcada, oo nafta u keenay masaakiinta, Qorigiina waan ka qaadnay.” Ayuu yiri Cali Kuusow.
Sarkaalkan ayaa sheegay dhaawaca ninka burcadka ah in loo soo qaaday magaalada Muqdisho, si xaaladiisa caafimaad daro wax looga qabto, kadibna loo horgeeyo sharciga.
Mudooyinkii la soo dhaafay ayaa Darawalada ka xeysa Gaadiidka ee isticmaala wadada xeebta ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay ka cabanayeen dhibaatooyin ay ku hayeen koox burcad ah.
Bashiir Cali Daahir (Caano-booro), Radio Risaala, Magaalada Jowhar.


