Taliska Ciidamada Booliska magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabelle ayaa faah fahin ka bixiyay howlgallo dad lagu qabqabtay oo Ciidamada saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen halkaasi.
Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali Canjeex ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, isla markaana si joogto ah looga sameeyo Gudaha iyo daafaha Magaalada.
Waxaa uu ku amray dadka ku nool Magaalada Jowhar in qof walba uu gurigiisa hortiisa uu Nal ku xiro si looga wada qeyb qaato sugida Amniga Jowhar oo kamid ah meelaha ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal.
Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali Canjeex ayaa ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka iyo Hay’adaha Garsoorka Magaalada Jowhar inay u Cadaalad falaan dadka Shacabka si Ciidamada ugu fududaato inay waajibaadkooda gutaan.
Hadalka Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali Canjeex ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii la soo dhafay warar soo baxayay ay sheegayeen in Al-Shabaab ay joojiyeen Gawaarida raashinka uga keeni jiray Magaalada Muqdisho.