Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka billaabay kulamo kala duwan oo looga hadlayo xaaladda Hir-Shabeelle.
Socdaalka Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ee Beledweyne ayaa salka ku haaya hoggaaminta wajiga labaad ee Howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo ka bilaaban doona galbeedka gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale Wasiir Kheyre ayaa kulan la qaadan doona Saraakiisha amniga iyo madaxda maamulka gobolka Hiiraan kan degmada Beledweyne, si kor loogu qaado amniga Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.
Degaannada iyo degmooyinka kuyaalla Galbeedka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa weli ku sugan Xubno katirsan Kooxda Al—Shabaab, iyada oo dhowr jeer la isku dayay in laga sameeyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, basle lagu guuldareystay.



