Howgallo Saakay ka socda degmada Beled-Xaawo

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo saakay waxa ay ka wadaan degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay howlgalka ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka wadaan degmada Beled xaawo ee gobolka Gedo.

Howgalka ayaa ciidanka dowladda waxa ay ku sheegeen in ay ku baadi goobayaan dadka amni darada ka wado degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Xalay ayaa degmada Beled Xaawo waxaa ka dhacay Qarax miino oo khasaare kala duwan geystay.

Inta la xaqiijiyay Qaraxaasi  waxaa ku dhimatay 2 Qof halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.