Hotel ku yaala magaalada Hargeysa oo gubtay

Dab ayaa xalay saqdii dhexe ka kacay dhisme hotel oo ku yaala magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, kaasi oo khasaaro hantiyadeed geystay.

Dabka ayaa la rumeysan yahay inuu ka kacay goobta raashiinka hotelka lagu kariyo, isaga oo kusii faafay  goobo kale oo isla hotelka ka tirsan.

Hal ruux oo Yemeni ah ayaa ku dhaawacmey dabka hotelka ka kacay, waxaana ruuxaasi uu dhaawaca soo gaaray markii uu isku dayay inuu ka boodo dhismaha hotelka.

Hotelka ayaa la sheegay iney gacanta ku hayaan ganacsato u dhalatay dalka Yemen kuwaasi oo dad kasii kireyn jirey.

Markii dambe ayaa lagu guuleystay in la damiyo dabka ka kacay Hotel Hargeysa oo magaalada kuyaala, mana jiro khasaaro kale oo la sheegay inuu ka dhashay marka laga yimaado waxyeelada soo gaartay Hotelka.