kooxda hogaamineeso horyaalka Egland ee Man city ayaa diyaar u ah in ay guuleestaan si ay u ilaashadaan rikoorkooda guuldaro la’aanta ee horyaalka Ingriiska iyagoo ka war qaba in beri ay liverpool ay ciyaari doonto kulan derby ah.
kooxda Man city ayaa isbuucii tagay xaqiijisay in ay u soo baxeen wareega 16-ka champions League markaas oo ay 2-2 la galeen kooxda reer France Ee Lyon, Guardiola ayaa doonaayo in uu kooxdiisa dib ugu soo celiyo wadad guulaha.
Gabriel Jesus Ayaa dib ugu so laaban doona kursiga keedka ee Man city kasoo seegay ciyaarti ay Talaadada la ciyaareen kooxda Lyon halka Gundogan uu isna diyaar u yahay in uu kulankaan ku soo bilaawdo maadama uu dhaawac cagta kaga maqnaa kooxdiisa.
kooxda uu hogaamiyo Edie Howe ayaa dib u heli doona ciyaartoyda kala ah Lewis Cook, Junior Stanislas, Tyrone Mings iyo Charlie Daniels Kubaasoo dhamaantood diyaar u ah in ay guul ku hogaamiyaan kooxdooda.
Shaxada Macquulka ah ee Man City: Ederson; Danilo, Stones, Otamendi, Zinchenko; Fernandinho, Delph; Bernardo, D.Silva, Sane; Aguero
Shaxada Macquulka ah ee Bournemouth: Begovic; Francis, S.Cook, Ake, Ming; Cook, Gosling; Brooks, King, Fraser; Wilson



