Muqdisho-RisaalaFM- Xilli shalay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa lagu xiray Wariye C/maalik Muuse Coldoon ayaa waxaa arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Bahda saxaafadda, Ehelada C/maalik iyo Asaxaabta kale ee aqoonta u leh C/maalik Coldoon.
Hooyada Dhashay C/maalik Muuse Coldoon oo lagu magacaabo Faadumo Rooble Xuseen oo la hadashay warbaahinta gudaha ee Soomaaliland ayaa waxa ay sheegtay in wiilkeeda loo xiray ka qeyb qaadashada iyo Taageere siinta ololihii Doorasho ee uu ku soo baxay Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay laftigeeda ay taageersan tahay Madaxweyne Farmaajo, taasina aysan suurgal aheyn in wiilkeeda loo xiro maxaad taageere ugu muujisay Farmaajo.
Waxa ay sheegtay Faadumo Rooble Xuseen in ay socdaan dadaalo lagu soo deynayo wiilkeeda, maadaama markii horeba loo xiray si qalad ah.
Ciidanka ammanka Maamulka Soomaaliland ayaa shalay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ku xiray C/maalik Muuse Coldoon oo Magaalada Muqdisho ka tagay, waxaana C/maalik si weyn looga yaqaanaa baraha ay ku xiriirto bulshada.


