Emerick Aubameyang hooyadiis ayaa sheegtay in wiilkeedii uu doonayay inuu u ciyaaro Real Madrid tan iyo yaraa.
Xiddiga Borussia Dortmund ayaa qandaraaskiisa garoonka Signal Iduna Park waxa dhacaa ilaa 2020, laakiin waxa uu dhowr jeer muujiyay jaceylka uu u qabo Madrid.
Waxaa sidookale kamid ah kooxaha lala xiriirinayo Barcelona, laakiin haddii mar ka tagayo kooxdiisa kunja biirayo kooxaha reer Spain waxa uu u ciyaarayaa Real Madrid sida ay sheegtay hooyada Aubameyang Margarita Crespo.
“Waxa uu ballan ka qaaday awoowihiis taasoo ah in uu ka ciyaari doono Real Madrid maalin maalmaha kamdi ah,” ayay u sheegay AS.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa si weyn waxa isha ugu haya kooxada Real Madrid, inkastoo Manchester City lacago waali ah ku dalbaneyso.


