Chelsea Oo £ 35 Kula Soo Wareegeysa Daafac Laga Qiimeeyo EPL-ka

Chelsea ayaa u baahan doonta in ay isticmaasho lacag dhan £ 35million si ay u helaan adeega ciyaaryahanka Ben Gibson oo katirsan kooxda Middlesbrough.

Blues ayaa suuqa ugu jirta daafac cusub bisha January iyadoo Gibson uu u arkayo macalin Antonio Conte mid ku haboon kooxdiisa.

Laakiin Boro ayaa dooneysa inay ceshato 23-sano jirkaan bartilmaameedka sare u ah kooxda Chelsea,sida ay sheegeyso Mirror.

Conte ayaa u muuqanaya mid horumar ka sameynaya saxiixa Gibson xilli ciyaareedkan, isaga u arkaya fursada ugu weyn ee kooxdiisa.

Everton ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay isha ku hayaan daafaca kooxda Boro kaasoo heshiiskiisa garoonka Riverside uu ku egyahay ilaa 2021.