Wararkii ugu dambeeyay ee Qandala

Qandala-RisaalaFM- Degmada Qandala ayaa maanta waxaa si buuxda ula wareegay Ciidanka Maamulka Puntland, kadib markii ay ka saareen koox ka tirsan Daacish oo mudo ku ka badan bil ku sugnaa Degmadaasi.

Kooxda Daacish ee ka baxday Qandala ayaa waxa ay u carareen buuraha duleedka ka ah Magaalada Qandala, sida ay sheegeen ilo wareedyo halkaasi ku sugan.

Ciidamada Puntland ayaa ku howlan sidii ay u furi lahaayeen waddooyin dhagaxaan iyo miinooyin lagu jaray.

Saraakiisha Puntland ee ku sugan Degmada Qandala, ayaan weli la hadlin saxaafada, balse waxa ay sheegeen in saacadaha soo socdo ay war ka soo saari doonaan xaaladda.

Kooxda Daacish ayaa mudo ka badan bil waxa ay ku sugnaayeen Degmada Qandala oo ay Dagaal la’aan la wareegeen, kadib markii ay ka baxeen Ciidamo ka tirsan Puntland.