SSC Khaatumo oo Hogaamiye Cusub dooratay

Hogaanka SSC Khaatumo ayaa  Hogaamiye u doortay ee Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo heley 30 oo kamid ah Golaha-dhexe, doorasho ka socota Laascaanood.

Cabdiqaadir Axmed Firdhiye  oo loo doortay Hogaamiyaha  Cusub ee Khaatumo State ayaa hagi doonaa guud ahaan maamulka gobollada SSC iyo dagaalka kala dhexeeya Soomaaliland.

Doorashada Hogaanka  SSC ee maanta ka dhacday Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa  ku soo aadeysa  Xilli dhawaan Magaalaas lagu qabtay doorashada  Godoomiyaha Golaha Dhexe ee SSC  oo uu ku guuleystay Jaamac Yaasiin Warsame halka ku xigeenkiisana loo doortay Jaamac Aadan Cismaan.