Heshiis la kala dhex-dhigay laba Maleeshiyo Beeleed oo iska dilay 14 Ruux

Maalmihii la soo dhaafay waxaa degmada diinsoor ee Gobolka Baay ka socday kulamo lagu dhex dhexaadinayay laba maleeshiyo Beeleed oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku dagaalamayay degmadaas, kuwaas oo la xaqiijiyay inay iska dileen 14 Ruux in ka badana ay iska dhaawaceen.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo qaarkood ka tegay Magaalada Baydhabo ayaa waday dadaalada lagu heshiisiinayay labada Beeleed, iyaga oo ugu dambeyn ku guuleystay maadaama degmada ay kamid tahay degmnooyinka u go’doonsan Al-Shabaab.

Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deerow oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo ku howlanaa xalinta colaadaas ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiska ay dhex-dhigeen labada maleeshiyo Beeleed iyo sida ay hadda xaaladu tahay.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay qaar kamid ah gobolada dalka ayaa waxaa ka taagnaa Colaad Beeleedyo soo laab laabtay, kuwaas oo qaarkood xal laga gaaray halka kuwo kale weli taagan yihiin