Daafaca garabka midig naadiga Arsenal Hector Bellerin wuxuu dalab ka helay naadi ka cayaarto Serie A-da Talyaaniga.
Hector Bellerin xagaagii dhawaa ayuu Arsenal dabcan inuu Barcelona ka aado balse macalin Arsene Wenger ayaa ka hor istaagay.
Haatana Calcio Mercato waxay qoreysaa in Bellerin dalab ka helay naadiga Juventus oo baahi weyn u qabto cayaaryahan garabka midig ka cayaaro.
Juve xagaagii dhawaa Dani Alves ayay iska fasaxday halka Stephen Lichsteiner sii gaba gaboobayo waxay kooxdan ku qasban yahay inay saxiixa Bellerin xooga saarto xagaaga dambe.
Warar hordhaca ah waxay sheegayaan in Juve u qorsheesay saxiixa Hector Bellerin 40-milyan oo euro ah weliba si sahlan ayay ku heli doontaa hadii xili cayaareedkan Arsenal ka mid noqonin 4-naadi EPL ugu sareeyo



