Laacibka kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa su’aal weyn ka taagantahay mustaqbalkiisa sii joogitaanka Blues.
Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa si aad ah loo xiriiriyay kuwaas oo wada doonaya adeegga xiddiggan.
Los Blancos ayaa dooneysa inay kabtan-ka Belgium ay ka dhigto bedelka Ronaldo kaasoo ku biiray kooxda Juventus.
Halka Blaugrana ay xiddiggan dooneyso inay safkeeda weerarka kusoo darto kaasoo habacsanaan ay ka muuqato tan iyo markii uu Neymar ka dhaqaaqay xagaagii hore.
Balse 27-jirkan ayaa lagu soo warramayaa inuu dareen gaar ah u hayo ka mid noqoshada Manchester City.
Kooxda xilli ciyaareedkii hore hanatay horyaalka Premier League-ga ayaa si hoose xod-xodasho ugu jirta Hazard, waxaase warar lagu helayaa in hal-doorka Chelsea uu daneynayo ka hoos ciyaaridda Pep Guardiola.



