Howlgal qorshaysan oo ay qaadeen ciidanka deeganka ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa ku guleystay in ay soo burburiyaan fariisime ay Alshabaab ku lahayeen degaanno ay ka mid yihiin Ilbir iyo Bohol caalin sida ay sheegeen saraakiisha degaanka .
Ciidanka deegaanka ayaa weerarka ka hor helay xogta Alshabaab gaar ahaan kuwa Sakawaadka oo ka qaadayay shacabka deegaanka.
Ciidanka deegaanka ayaa Alshabaab kasoo furtay qoriga Ak47.
Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Xoogga dalka & kuwa degaanka ayaa Hawlgalo ka dhan ah Alshabaab ka waday degaanada Galmudug & Hirshabeelle



