Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ka socda degaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa wali howlgalo lagula dagaalamayo Alshabaab  oo ka socda degaanada waqooyi ee gobolka Jubada hoose gaar ahaana deegaanno u dhow degmada Xagar.

Ciidamada Jubland & Ciidanka  Xoogga dalka gaar’ahaan kuwa Danab   ayaa bur-buriyay sida la sheegay  fariisimo Alshabaab ay ku lahaayeen agagaarka degmada Xagar ee hobolka Jubada Hoose .

Maalmihii la soo dhaafay degaano ka tirsan gobolka  Jubada Hoose waxaa ka socday Hawgallo ka dhan ah Alshabaab oo ay si wadajir isaga kaashanaayeen Ciidamada Daraawiishta Jubland & Ciidamada Danab ee ka Hawlgala gobolka Jubada Hoose.