Wararka laga helayo Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Booliska dalkaas ay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ku qabteen Haweeney siday Maandooriyeyaal lagu soodhex qariyey Dhalooyinka Caanaha lagu shubo.
Haweeneyda oo u dhalatay dalka Kenya ayaa waxaa lagu Magacaabaa Ms Okoye,waxaana saraakiisha Booliska ay sheegeen inay ku daba jireen Maandooriyaha ay waday xilli ay dooneysay inay u dhoofto dalka Talyaaniga.
Boqolaalka tirsan dadka Kenya ayaa waxa ay siweyn u isticmaalaan Maandooriyaha,hayeeshee waxaa socda howlgallo looga hortagayo tan iyo wixii ka dambeeyey 25kii bishan Februay oo Garoonka Diyaaradaha JKIA lagu qabtay maandooriye la doonayay in loo dhoofiyo dalka Guinea.



