Ciidamada Ammaanka dalka Turkiga ayaa xiray haweenay Soomaaliyeed oo lagu tuhmaayo in ay ku lug leedahay weerarkii Sanadka cusub ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay ninkii dambeeyay weerarkaasi oo muddo badan la baadi goobayay iyo sidoo kale 3 haween ah oo kasoo kala Jeeda Dalalka Soomaaliya , Senegaal iyo Masar.
Gudoomiyaha Magaalada Istanbul ayaa sheegay in dadkaani ay yihiin tuhmanayaal la xiriirinayo in ay gacan saar la leeyihiin ninka gacanta lagu dhigay.
Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga Numan Kurtulmu oo la hadlay Tv-ga dowladda ayaa xaqiijiyay in haweenka ay kujirto haweenay Soomaaliyeed.
Numan Kurtulmus, ayaa sidoo kale sheegay in dadkaani Baaritaan lagu Sameyn doono.
Ciidamada Booliska dalka Turkiga ayaa wax yar ka dib soo xiray Haweenayda Soomaaliyeed iyo sidoo kale labada qof ee kale.
Weerarkii Istanbul ka dhacay billowgii sanadkan ayaa waxaa lagu dilay 39 qof, waxaana weerarkaasi sheegtay kooxda la baxday Dowladda Islaamka.


