Guus Hiddink oo ka hadlay dhaawaca Terry ka hor kulanka FA-Cupka

Macallin Guus Hiddink ayaa saxaafadda la hadlay kahor kulanka Sabtida ee ay Chelsea booqan doonto Everton,cayaar ka tirsan FA Cup-ka.

DHAAWACYADA KOOXDA

Kabtan John Terry oo dhowr kulan dhaawac muruqa ah ku maqnaa ayaa dib ugu soo laabtay shaxda FA Cup-ka, laakiin Diego Costa ayuu shaki badan ku jiraa taam ahaanshiyahiisa.

” Si wanaagsan ayuu u tababartay maalmihii lasoo dhaafay, waxuuna Terry ka mid yahay cayaartoyda u safreysa Everton” Hiddink ayaa sidaas shaagey.

Hiddink oo ka hadlaya xaaladda Costa ayaa yiri ” Kadib dhaawacii PSG, Nasiino ayaan u diray, waxuuna qaadanayaa dawooyin, sidaas darteed, waan arki doonaa haddii uu dheeli karo iyo in kale,laakiin xaaladdiisa ma sahlana “.

Hiddink ayaa doonaya inuu garaaco Everton,kadib dhibaatadii kasoo gaartay PSG oo Chelsea ka reebtay Champions League-ga.

” Xanuun ayay laheyd guul-darradii naga soo gaartay PSG,Waxaan dooneynaa inaan soo kabsano oo aan ku mintidno FA Cup-ka” Guus ayaa sidaas niyadda ku dhistay.

Sidookale, Eden Hazard aayaa dhaawac muruqa ah ku seegi doono kulankan Everton, xitaa kulanka xiga ayuu maqnaan karaa, waayo dhibaato xun ayaa heysato 25 jirkan reer Belgium.