Gudoomiye Yariisow oo dhagax dhigay dhulkii lagu xiray Gudoomiyihii Xamarweyne

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa maanta dhagax dhigay dhul ku yaalla degmada Xamarweyne oo dhawaan uu ka dhashay Muran badan.

Dhulkaan ayaa waxaa leh dad Shacab ah sidda u dhawaan shaaciyay Gudoomiyihii degmada Xamarweyne, Cumar Shariif Jeeg oo xabsiga loo taxaabay Markii uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu dhulkaasi Musuq Maasuq ka waddo.

Gudoomiyihii degmada Xamarweyne Waxaa uu sheegay in dhulka uu dhagax dhigay Gudoomiye Yariisow uu yahay mid Sharci daro ah, islamarkaana shaqsiyaad Musuq maasuq wadda ay doonayaan in ay dhacaan dhulkaasi.

Yariisow waxaa uu sheegay in xaruntaan laga furi doono  Xafiisyo ay ku shaqeeyaan dhalinyaradda gobolka Banaadir iyo dadka Barakacayaasha ah.

Waxgaradka degmada Xamarweyne ayaa Bogaadiyay Tilaabadda ay uu qaaday Gudoomiye Cumar Shariif Jeeg,  Maadaama uu ka hortaggay Musuq Maasuq.

Waxgaradka ayaa sidoo kale baaq u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Waxaana ay sheegeen in ay u baahan yihiin Caddaalad.