Gudoomiye Waaxeed lagu dilay Muqdisho

Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag hubeysan ay dileen gudoomiye Waaxeed kamid ahaa gudomiye waaxeedyada degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay inoo sheegeen in laba dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado ay toogteen Guddoomiye Waaxeedkii Waaxda Saddexaad ee Degmadaasi oo magaciisa lagu soo koobay Abuukare.

Ciidamada ammaanka degmadaasi oo goor dambe gaaray goobta lagu dilay gudoomiye waaxeedkaasi, ayaa waxa ay halkaasi ka bilaabeen howgal lagu baadi goobayo ragii dilkaasi ka dambeeyay.

Todobaadkii tagay ayey aheyd markii Taliyihii Booliska degmada Warta Nabada lagu dilay goob ku dhaw saldhiga Booliska Degmadaasi.