Dhageyso: Gudoomiye Saalax Dabaan oo digniin u diray Gudoomiyaasha degmooyinka G/ Banaadir

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Mudane  Saalax Cali Maxamuud Dabaan  ayaa Fariin digniin iyo Hanjabaad isugu jirta u diray Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir taas oo la xiriirta fulinta  Awaamirta dhulalka iyo guryaha lakala haysto oo ay Maxkamadda xukuntay.

Gudoomiye Saalax Dabaan ayaa sheegay in Gudoomiye Degmo uusan ka hadli karin xukun maxkamad ay riday lana xiriira Guryaha ama dhulalka, ciddii sharciga ka hortimaadana la xiri doono.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa uga digay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka inay qaadi doonaan Mas’uuliyadda ka dhalata Gudoomiyihii Degmo ee soo faragaliya dhul fulin iyo Maxkamad.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Gudoomiye Saalax Dabaan :