Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulan loogu hadlaayay dib u eegista Dastuurka KMG la qaatay qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha Baarlamaanada maamul goboleedyada Dalka.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale loogu hadlay sidii Maamul goboleedyada dalka door muuqdo loogu siin lahaa dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiga madaxa banaan.
Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari iyo madaxdii kale ee ka qeyb gashay kulanka ay si wadajir ah iskugu raaceen in meel loogu soo wadajeesto dhameystirka Dastuurka.
Waxa uu tilmaamay in sidoo kale laga wada hadlay sidii bulshada soomaaliyeed loogu wada qeyb gelin lahaa dhameystirka iyo wax ka badalka Dastuurka Dalka.


