Ciidamada amaanka ee maamulka Galmudug ayaa soo badbaadiyay ruux ajnabi ahaa oo muddo ku afduubnaa deegaaano gobolka Mudug ka tirsan, sida ay sheegeen masuuliyiinta maamulka Galmudug.
Ciidamada Nabad sugidda maamulka Galmudug ayaa ninka ajnabiga ka soo furtay kooxo hubeysan oo afduub u heystay, waxaana iminka gacanta ku haya ciidamada maamulka Galmudug.
Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamed Aadan oo Warbaahinta la hadlay ayaa u mahad celiyay ciidamadii soo badbaadiyay muwaadinkaan Kenyaanka ah.
Waxa uu sheegay in ninkaan ay wehlisay haweenay lala soo afduubtay taasi oo ay la baxsadeen qaar ka mid ah kooxiihii burcada ahaa isla amrkaana ciidamada amaanka Galmudug ay ku daba jiraan.
Ninkaan u dhashay Dalka Kenya oo mudada sanadka ah gacanta ugu jiray kooxahaan burcada ah ayaa ka warbixiyay qaabkii loola dhaqmay mudadii gacanta ay ku hayeen burcada.
Waxa uu sheegayin uu ku faraxsanyahay in maanta xuriyadiisa uu dib u helay asagoona u mahad celiyay ciidamada amaanka Maamulka galmudug ee soo furtay.


