Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa kusoo waramaya in halkaasi ay gaareen Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ibraahim Suleymaan iyo sidoo kale xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.
Wafdiga ayaa Magaalada Cadaado waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug iyo sidoo kale golaha Wasiirada maamulka Galmudug.
Ujeedada ay u tageen Magaalada Cadaado ayaa lagu sheegay in ay tahay tayeynta Maxkamadaha ku yaalla degaanada maamulka Galmudug.


