Pretoria-RisaalaFM- Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa soo wajahay cabsi iyo walaac la xiriira weerarrada kaga imaanaya kooxaha Burcadda ee dhaca u geysta gaar ahaan Bilaha November iyo December ee sanad kasta.
Cabsidan ayaa timid markii ay kooxaha Burcadda ah ee Dalkasi sii Laba jibbaareen weeararrada lagu qaadayo goobaha ganacsiga Dadka ajaaniibta ah, gaar ahaan Soomaalida ay ku leeyihiin Tuulooyinka Koonfur Africa.
Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Cape Town ayaa la sheegayaa in lagu dabiibayo Lix Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ka xammaalan jiray Tuulooyinka fog-fog.
Kooxaha Burcadda ayaa intooda badan lagu sheegay inay yihiin Arday ku jirta xilliga fasaxa, kuwaas oo raadinaya lacago ay kaga baxaan Labadaas Bilood ee ay fursadda leeyihiin.
Soomalida ku Ganacsata Dalka Koonfur Afrika ayaa la kulma tacaddiyo ka dhan ah Aadanaha, iyagoo dhinaca kalena halkaasi ku haysta Baayacmushtar badan oo uu kas oo galo dhaqaale xooggan.



