DEG DEG: Shabaab oo la wareegay degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud

Wararka inaga soo gaaraya degaanka Qaayib oo hoostagga Degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, ayaa soo warinaya in dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa u sheegay Radiorisaala.com xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab inay qabsadeen gacan ku haynta deegaankan, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah.

Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada Shabaab ee qabsaday degaankaan inay labo jiho ka soo gala galeen, kuwaasi oo kala ah Deganada Day iyo Xiindheere.

Deegaankaan ayaa Baxdo waxa uu u jiraa 30-KM wax dagaal ahna kama dhicin sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen.