Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Maxkamad degmo

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xariga ka jaray Maxkamadda degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Maxkamadaan ayaa loogu tala galay in ay u adeegto Bulshada kunool degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo hadal ka jeediyay xarig ka jarida Maxkamadda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Bulshada kunool degmada Xamar weyne ay Maxkamadaan si hufan ugu shaqeyso.