Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhimatay 45 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii Qarax xooggan uu ka dhacay Xaafad ku taalla Galbeedka Magaalada Baghdaad ee dalka Ciraaq.
Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Shiicada ay ku badan yihiin ee lagu magacaabo Hay al-Amil.
Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa sheegtay in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen Kooxda dowladda Islaamka ee Daacish ,islamarkaana ay wadaan Baaritaano kala duwan.
Dhankale Kooxda Daacish ayaa sheegatay in ay dambeysay Qaraxaasi.
Qaraxaan ayaa imaanaya xilli Ciidanka dowladda Ciraaq ay isku diyaarinaayaan Howlgal weyn oo Kooxda Daacish looga saarayo Magaalada Mowsil.


