Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo gaaray Suuqa Bakaaraha Baaqna diray

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimacaale ayaa Gaaray Suuqa weyne ee Bakaaraha , halkaasi oo uu ka socdo dab xooggan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in la furo wadooyinka waa weyn ee soo gala Suuqa Bakaaraha, Maadaam ay doonayaan in ay badbaadiyaan hantida ku gubanaysa Suuqa Bakaaraha.

Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha saaka salaadii Subax, ayaa weli ka socda Suuqaasi, waxaana uu ku sii fidayaa goobo hor leh oo ganacsi, kuwaasi oo saameyn ballaaran uu ku yeelanayo dabka.

Dabka ayaa markii hore wuxuu ka kacay Suuqa Khaliifa ee ku dhex yaalo Suuqa Bakaaraha, wuxuuna dabka ku fiday, qaybta Maacuunta, qaybta Malabka, Qaybta Dahablaha, hadana waxaa la soo sheegayaa dhanka Sarta Cali Dheere dabka inuu ku sii fidaayo.