Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha saaka salaadii Subax, ayaa weli ka socda Suuqaasi, waxaana uu ku sii fidayaa goobo hor leh oo ganacsi, kuwaasi oo saameyn ballaaran uu ku yeelanayo dabka.
Dabka ayaa markii hore wuxuu ka kacay Suuqa Khaliifa ee ku dhex yaalo Suuqa Bakaaraha, wuxuuna dabka ku fiday, qaybta Maacuunta, qaybta Malabka, Qaybta Dahablaha, hadana waxaa la soo sheegayaa dhanka Sarta Cali Dheere dabka inuu ku sii fidaayo.
Xaalad cakiran ayaa ka taagan Suuqa Bakaaraha, waxaana suuqa buux dhaafiyay dad aad u fara badan oo ganacsato iyo dadweyne kale isugu jira, kuwaasi oo isku dayaya inay hantidooda ka bad baadiyaan dabka.


