Roobab iyo daadad ayaa wasakheeyay webi wayn arrintaas oo sababtay in ay biyo la’aan noqdaan afar milyan oo ku nool magaalada caasimadda ah ee Santiago.
Saraakiishu waxay sheegeen in magaalada inteeda badan laga jari doono dhamaan biyaha ka imanaya webiga Maipo tan iyo inta uu nadiif ka noqonayo.
Dadka ayaa biyo ku kaydsanaya caagado xukuumaduna waxay amartay in makhaayadaha iyo ganacsiyadu ay sii xirnaadaan.
Saraakiishu waxaa kale oo ay dib u dhigeen xiligii uu iskuulku furmi lahaa oo ku beegan Isniinta.
Shaqsiyaad ka mid ah shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa sheegay in biyuhu ay ka soo qulqulayaan buuraha Andes iyaga oo jaray wadooyin, xayirayna kumanaan dad ah.


