Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari oo geeriyooday

Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u Naxariistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in xanuun kusoo booday uu u geeriyooday Jawaari.

AUN Jawaari wuxuu sanadkii 1945, ku dhashay degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose wuxuu ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay xagga sharciga , isaga oo ka ka soo shaqeeyay dhowr dastuur oo Soomaaliya yeelatay laga soo bilaabo 1960-kii.