Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee doorashada C/llaahi Abyan Nuur ayaa goordhow ku geeriyooday Isbitaal Martiini.
Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Guddiga waxaa Guddoomiyaha laga helay cudurka Coronavirus, waxa uu horay u qaban xanuuno kala duwan.
Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa horay u soo qabtay xilal kala duwan oo gaarsiisay ilaa heer wasiir.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in uu xanuunsanaa.



