Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka JFS iyo kan Jabuuti oo gaaray Baladweyne (SAWIRRO)

Beledweyne-RisaalaFM- Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaa ka mid ah wafdigaasi Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jamhuuriyadda Walaalaha nahay ee Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo booqasho ku jooga Soomaaliya, Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM, xubno ka tirsan Golayaasha ka la duwan ee Dowladda.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeele oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana loo gudbiyay gudaha magaalada Baladweyne.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ah sidii Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti iyo wafdigiisa ay u soo booqan lahaayeen Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay kula kulmi doonaan Madaxweynaha Hirshabeelle, saraakiisha AMISOM iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka oo halkaasi Jooga.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamanaka Jabuuti inta uu joogo Soomaaliya waxaa uu ka qeyb galayaa shirka xildhibaanada Golaha shacabka ee berryi halkaasi oo uu khudbad u kaga hadlayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka jeedin doona.