Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa barkhanimadii maanta isku rasaaseeyay Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Qof goobjooge ah ayaa Risaala u sheegay Israsaaseynta in ay timid kadib markii Xarunta degmada Kaaraan oo gargaar qeybin ka socotay ay weerareen Ciidamo doonayay iney qeyb ka helaan raashinka oo loo qeybinayay dadka danta yar ee ku nool degmadaasi.
Ciidamadii goobta weeraray ayaa hakad galiyay raashin qeybinta, waxaana loo sheegay in ay xaalka dajiyaan qeybtoodana laga siinayo gargaarkii la qeybinayay.
Maamulka degmada Kaaraan ayaa si hoose ula xiriiray Maamulka sare ee Gobolka Banaadir, waxaana intaasi kadib goobta soo gaaray Ciidamo badan oo ka mid ah xasilinta caasimada.
Ciidamada xasilinta ayaa rasaas ooda kaga qaaday Ciidankii kale ee isku dayayay iney gargaarkii la qeybinayay qaataan, waxaana goobta ka dhacay is rasaaseyn socotay mudo daqiiqado ah.
Is rasaaseynta socotay ayaa waxaa ka dhalatay khasaare isugu jirto dhimasho iyo dhaawac, Waxaana dadka dhintay ku jiray Guddoomiyihii Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan Cabdi Maxamed Dhageey (Cabdi Jiis).


